Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Imaaraadka Carabta ay dhigtay nidaam raadaar casri ah oo laga keenay Israa’iil deegaan ka tirsan Puntland oo dhacda waqooyiga-bari Soomaaliya.
Raadaarka ayaa lagu rakibay Xarunta Ciidamada Badda Puntland oo ku dhow Saldhigga Diyaaradaha ee Bosaso oo ay Imaaraadku maamulaan.
Nidaamkan waa mid casri ah oo awood u leh in uu si sax ah u ogaado dhaqdhaqaaqa diyaaradaha, gantaallada, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), sidoo kalena uu dabagal ku sameeyo meelo laga soo rido madaafiic.
Tallaabadan oo ay shaaciyeen khubaro militari, islamarkaana lagu faafiyey ilo sirdoon furan (open-source intelligence), waxay dhalisay su’aalo ku saabsan ujeedada dhabta ah ee Imaaraadka uga danbeeya dhaqdhaqaaqan milatari ee cusub, xilli gobolka Geeska Afrika uu yahay mid si weyn loogu tartamayo saameyn ahaan.
Goobta la dhigay raadaarka ee Puntland, oo ah gobol is-maamul ah, ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jirto xiisad geesinimo leh oo u dhaxaysa quwadaha waaweyn ee aduunka kuwaasoo doonaya in ay gacanta ku dhigaan marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee gobolka.
Nidaamkan ayaa muhiim u ah difaacyada cirka ee casriga ah sida Iron Dome iyo David’s Sling, wuxuuna sidoo kale si toos ah ugu hagaa nidaamyada difaaca marka ay jirto halis ka timaadda cirka, gantaallada ama madaafiicda dhulka laga soo ridayo.
Arrintan ayaa si weyn loo eegayaa iyadoo laga cabsi qabo in gobolka Geeska Afrika uu isu beddelo goob lagu hardamo istiraatiijiyad ahaan, gaar ahaan marka la eego doorka sii kordhaya ee Imaaraadka Carabta uu ka ciyaarayo gudaha Soomaaliya.