War kasoo baxay Aqalka Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025 uu casuumaad u fidiyey madaxda Dowlad-goboleedyada, si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wada-tashiga Qaranka.
Madashan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da ilaa 2-da bisha Maajo (May) ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimo qaran iyo sidii wadajir loogu dhameystiri lahaa howlgalka xoreynta dalka iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Villa Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn waxaa warka lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay adkaynayso sida ay uga go’an tahay in wada-tashi, wadashaqeyn iyo iskaashi lagu xaqiijiyo danaha Soomaaliyeed, oo ay ugu horreyso xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu, dhammaystirka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.
Laguma cadeeyn Shirkaan hadii Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo khilaaf kala dhexeeyo Dowladda Federaalka ay kamid yihiin kuwa casuumada kajira maadama aan wali xal laga gaarin waxyaabihii ay horey iskugu qabteen.
Sidoo kale waxaanan ku xusneen in Madaxweynaha uu lakulmayo mucaaradka Dowladda kaliya waxaa lagu soo koobay inuu latashiyo layeelan doono Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.