Safarkiisa ayaa la sheegay inuu hordhac u yahay socdaal uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre berito ku tagidoono magaalada Laascaanood.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa halkaas ka furi doona mashaariic horumarineed oo ay dowladda Federaalka maalgalisay iyo kuwo cusub oo la dhagax dhigi doono.
Socdaalkan ayaa lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka deegaanka SSC-Khaatumo.
Tan iyo shalay waxaa magaalada Laascaanood ku qulqulayay wafuud kala duwan oo isugu jira wasiirro, xildhibaano labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ka tirsan, iyo saraakiil kale.
Wasiir Xoosh ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ka go’an tahay taageerada maamulka SSC-Khaatumo iyo horumarinta nolosha shacabka ku dhaqan deegaanadaas.
Xoosh waxa uu xusay in dowladda diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso maamulka SSC Khaatumo.