Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiis ay wada galeen Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar

6
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, iyagoo ku bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Alshabaab iyo Daacish ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.

War laga soo saaray fadhiga Golaha uu shir Guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa ammaanay ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixisada lagu sifeynayo, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargaliyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar.

Heshiiskaan labada Dowladood ayaa ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah.