Dagaal sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Maanta ka dhacay Duleedka degmada Luuq ee Gobolka Gedo,Daahir Muxumed Nuur oo ah Gudoomiyaha degmada Luuq ayaa Wareysi uu siiyey Radio Markabley ayaa waxaa uu kaga waramay Dagaalkaasi iyo khasaaraha uu geystay.
Inkastoo xaalada hadda ay degan tahay ilo wareedyo lagu kal soonaan karo ayaa xaqiijiyey in ay jiraan khasaaro soo kala gaarey llabada dhinac ee ku dagaalamay degmadaasi ilaa 9 ruux ayaa ku geeriyooey dagaalka,halka dad ka badan ilaa 10 ruuxna ay ku dhaawacmeen.