Wararkii ugu danbeeyay ee Khaatumo ayaa sheegaya inay magaalada Laascaanood ay gaareen ciidamada ilaalada Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdi hordhac ah, iyadoo la filayo inuu Ra’iisal wasaaruhu halkaas gaaro.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo maamulka Somaliland ay si weyn uga hor yimaadeen tegista Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale Puntland ayaan ku faraxsaneyn socdaalkan.
Ammaanka magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ilaalada xafiiska RW ay la wareegeen goobaha uu tagi doono R/Wasaare Xamsa.
Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.