Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay dhiggiisa Uganda, Yoweri Museveni, inuu booqdo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Casuumaadda ayaa ka dambeysay kulan miro-dhal ah oo ay wada yeesheen labada Madaxweyne oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda maalintii shalay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, soo dhawaynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isagoo sidoo kale ku martiqaaday inuu booqdo Muqdisho si loo xoojiyo xiriirka labada dal.
Dhanka kale, Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh booqashadiisa, waxaana uu aqbalay casuumaadda uu ka helay Madaxweyne Xasan Sheekh si uu u booqdo Muqdisho muddooyinka soo socda.
Uganda ayaa ciidamo gaaraya illaa 4,000 askari ka jooga dalka Soomaaliya, kuwaasoo yimid dalka 2007, waxayna qeyb wayn ka qaateen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.