Faahfaahino kasoo baxaya Madaafiic lagu garaacay agagaarka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

6

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyaal ah oo saakay aroornimadii hore lagu garaacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyo xaafado ka tirsan degmada Wadajir.

Hoobiyaasha ayaa jugtooda laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo tiro ahaan gaarayay ilaa 6 hoobiye.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in hoobiyaasha qaarkood ay ku dhaceen gudaha xerada Xalane oo ku taala xeyn daabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ay dagan yihiin hay’ado caalami ah, safaarado shisheeye iyo Taliska ciidamada AUSSOM, hayeeshee lama soo warin wax khasaare ah.

Laba ka mid ah hoobiyaasha ayaa sidoo kale la sheegay iney ku dhaceen xaafada Kaawa Godeey, islamarkaana waxyeelo u badan dhaawac ay kasoo gaartay dad shacab ah.

“Xaafadda Kaawo Godey waxaa saaka ku dhacay mid ka mid ah hoobiyeyaashii lasoo tuuray, waxaana ku dhaawacantay maamo ka mid ah dadka deegaanka, waxaa sidoo kale la ii sheegay wiil kale oo dhaawac ah” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka Xaafada Kaawa Godey oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan hoobiyaasha saakay lagu garaacay agagaarka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shalay ayay aheyd markii sidana oo kale tiro madaafiic ah loogu garaacay xaafado ku yaala xeyn daabka madaxtooyada Soomaaliya oo ka kala tirsan degmooyinka Warta nabadda iyo Boondheere, kuwaas oo waxyeelo dhaawac ah kasoo gaareen dad shacab ahaa.