6

Arrintan ayaa timid kadib markii Aroorinimadii saaka weerar Madaafiic Hoobiyeyaal ah lagu qaaday Xayndaabka Garoonka iyo Aagga Xalane oo saldhig u ah UN-ka, ciidamada Midowga Afrika iyo safaaradaha dalalka shisheeye ee Soomaaliya.

Dhowr hoobiye ayaa ku dhacay agagaarka garoonka, iyadoo warar aan la xaqiijin sheegayaan in midkood uu ku habsaday meel aad ugu dhow Dhabbaha Garoonka.

Waxaana xaafadaha ku dhow Xalane iyo degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley saaka laga maqlay jugta Qaraxyada iyo qeylo dhaanta Qalabka digniinta bixiya ee UN-ka.

Alshabaab ayaa sheegatay inay weerar madaafiic ah ku qaaday saaka Xerada Xale iyo garoonka Muqdisho.

Dhinaca kale  ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo hay’adaheeda amniga oo caadiyan aan ka hadlin weerarradan lagu qaado Xalane.

Diyaaradii ugu horeysay ee caalami ah oo saaka 9:00 subaxnimo laga sugayey Garoonka Aden Cadde oo ahayd Turkish Airlines, taas oo xilliga weerarku dhacay hawada ku jirtay ayaa degdeg loogu wareejiyay Garoonka magaalada Jabuuti, halkaas oo ay ku dejisay rakaabkii la socday, kuna laabatay Istanbul.

Sidoo kale waxaa duulimaadkeedii Muqdisho ee maanta joojisay shirkadda diyaaradaha EgyptAir oo Jabuuti transit ku ahayd, balse halkaas aan soo dhaafin, xaaladda amni ee Garoonka Muqdisho darteed.

Saameynta xoog le hayaa arrintan kasoo gaartay boqolaal rakaab ah oo Muqdisho kuusoo jeeday iyo kuwii ka bixi lahaa, kuwaas oo ku kala xayirmay garoonka Muqdisho iyo Jabuuti, iyadoo uu dib u dhac ku yimid safarradoodii.

Waxaa muddooyinkii danbe soo noqnoqday hakadka iyo baaqashada Duulimaadyadii Caalamiga ee yimaada caasimadda Muqdisho, siiba shirkadaha caalamiga ah ee Turkish Airlines, Qatar Airways iyo EgyptAir.

Inkastoo weerarrada madaafiicda AS ee garoonka Muqdish ay joogto ahaayeen muddo dheer iyo sanado badan oo xal loo waayay, haddana waxaa xilligan sii kordhaya saameynta ay yeelanayaan.

Hay’adaha Amniga iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ku guuldarreystay inay ka hortagaan weerarrada madaafiicda ee Alshabaab ku qaado Xalane iyo Garoonka Aden Cadde oo la filayay inay noqdaan goobaha ugu amniga badan caasimadda. Sidoo kale waxay ku fashilmeen inay ka daba tagaan.

Shirkaddaha Ethiopian Airlines ayaa ah shirkadda caalamiga ah ee xaalad kasta timaada Muqdisho, waxayna saaka si caadi ah uso caga dhigatay, ugana dhooftay Garoonka Aden Cadde.

Sidoo kale waxaa duulimaadyadoodii Muqdisho si caadi ah u sii watay shirkadda Diyaaradaha Uganda Airlines iyo shirkadaha kale ee Soomaalida.