SSC Khaatumo oo xaqiijisay in Raysal wasaare Xamse uu booqasho ku tagayo Laascaanood

10
Maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo ayaa shaaciyay in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu booqasho rasmi ah ku tagi doono magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Diinta iyo Awqaafta maamulka KMG SSC Khaatumo Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa warbaahinta u sheegay iney u diayar garoobeen soo dhoweynta Raysal wasaare Soomaaliya.

“Waxaan u diyaar garoownay imaanshaha Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la filayo inuu yimaado magaalada Laascaanood” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Diinta iyo Awqaafta maamulka SSC Khaatumo Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Wasiir Xijaar ayaa sidoo kale sheegay in amaan ahaan maamulka SSC Khaatumo uu ka mid yahay maamulada ugu amniga wanaagsan guud ahaan dalka.

“Maamulka SSC Khaatumo waa maamulka ugu amniga fiican marka loo eego maamul goboleedyada hadda jira, Shacabka way sugi la’yihiin imaanshaha Raysall Wasaaraha Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Xijaar.

Si kastaba ha ahaatee Wasiir Xijaar ma shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu booqashada ku tagayo magaalada Laascaanood Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, kaasoo sawiradiisa lagu dhajiyay wadooyinka waa weyn ee magaalada Laascaanood.

Hadii uu booqasho ku tago Raysal wasaaraha Soomaaliya magaalada laascaanood waxay noqon doonta markii ugu horeysay oo Raysal Wasaare uu tago magaaladaas mudo ka badan 50 sano.