Midowga Afrika oo guddiga dhex dhexaadin ah u diraya Koofurta Sudan

6

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika H.E. Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Koofurta Suudaan iyo rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Naasir, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada Koofruta Sudan iyo maleeshiyaad hubeysan.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa wadahadallo toos ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir, iyagoona ka wadahadlay dejinta xiisada ka taagan dalkaasi ee u dhexeeya isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisa.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay midowga afrika ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Koofurta Sudan, Isagoo muujiyay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay wadahadal, dib u heshiisiin, iyo nabad waarta.

Si kor loogu qaado dadaallada dhex dhexaadinta iyo taageeridda si buuxda loogu dhaqan geliyo Heshiiskii Dib loo soo cusboonaysiiyo, si loo Xasiliyo Khilaafaadka Koonfurta Suudaan.

Guddoomiyaha Midowga ayaa sheegay sheegay inuu magaalada Jubba uu u dirayo wafdi heer sare ah oo ka tirsan Guddiga dhex dhexaadinta ee Midowga Afrika si ay ula kulmaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo qaboojiyo xiisadaha loona horumariyo wada-hadallada.

“AU waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan dhammaan qodobbada R-ARCSS oo ay xaqiijiyaan dhaqangelintiisa.”