Kooxda Al-Shabaab ayaa joojisay dhoollatuskii ay ciidan ahaan u sameyn jireen maalinta Ciidda, taasoo ay hore ugu muujin jireen awoodda ciidan iyo hubka ay haystaan. Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in arrintan ay la xiriirto saamaynta duqeymaha isdaba joogga ah ee lala beegsanayo kooxda Alshabaab.
Markii ugu horreysay, deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab lagama arag wax ciidan ama masuuliyiin ah oo kasoo muuqday fagaarayaasha lagu ciidayay. Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ay si joogto ah duqeymo ugu beegsanayaan goobaha ay Shabaabku ku sugan yihiin.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore uga digtay shacabka inay ka fogaadaan goobaha ay joogaan Al-Shabaab, maaddaama ay bartilmaameed u yihiin weerarrada cirka ah iyo howlgallada milatari ee lagu wiiqayo awoodda kooxda.
Warbixinnada laga helayo dhulalka ay Shabaabku maamulaan sida Galhareeri (Galgaduud), Jilib (Jubba Dhexe), Mubaarak (Shabeellada Hoose), Ceel Garas (Galgaduud), Buq’aqable (Hiiraan), Jowle (Mudug), iyo Kuunyo Barow (Shabeellada Hoose) ayaa muujinaya in aan laga arag dagaalyahannada ama hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab intii lagu guda jiray dabaal-degga Ciidda.
Hoggaamiyeyaasha Shabaab ayaa kaliya farriimo cod ah uga qeyb qaatay dabaal-degga, iyagoo ka baaqsaday inay si toos ah uga soo muuqdaan goobaha lagu oogayay salaadda Ciidda.
Dhanka kale, gobolka Shabeellada Dhexe oo maalmahan ay ka socdaan dagaallo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda, kooxda Shabaab kama aysan soo saarin wax war ah oo la xiriira dabaal-degga Ciidda. Tan ayaa waxay sii adkeynaysaa saadaasha ah in duqeymuhu ay si weyn u saameeyeen awoodda iyo dhaq-dhaqaaqa kooxda.