Xukuumadda Somaliland, oo iska difaacday eeddo ay Puntland ku sheegtay in uu xidhiidh ka dhexeeyo kooxaha xagjirka ah, ayaa sheegtay in argagixisadu aanay Somaliland wax shaqo ah ku lahayn.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in eedaha kasoo yeedhay maamulka Puntland aanay waxba ka jirin, isla markaana kooxaha xagjirka ahi aanay gabaad ka heli karin dhulka Somaliland.
“Maalmahan, maamulka Puntland wuxuu aad ugu celcelinayay in Somaliland ay argagixiso ka timaaddo. Al-Shabaab meel ay Somaliland ka gasho ma leh, Daacish meel ay Somaliland ka gasho ma leh, budhcad-badeedu meel ay Somaliland ka gasho ma leh,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.
Wasiirku waxa uu sheegay in Puntland ay xidhiidh la leedahay argagixisada iyo budhcad-badeedda, Sidoo kale, waxa uu sheegay in Madaxtooyada Puntland ay lacagaha madax-furashada la qaybsato budhcad-badeedda.
“Cilada kugu taal, haddaad u malayso in dadka kale ay garanayaan, anagu ma naqaano… Waanu ognahay waxa ka dhexeeya Madaxtooyada Puntland iyo budhcad-badeedda. Hal kiis oo budhcad-badeed ahi kama dhicin biyaha Somaliland,” ayuu hadalkiisa Wasiir Ayaanle.
Wasiir Ayaanle waxa uu xusay in Puntland ay la yaaban tahay sababta ururrada xagjirka ahi aanay u weerarin Somaliland, hase yeeshee nabadda Somaliland ay suurtagalisay isku-duubnida shacabka, isla markaana argagixisanimadu ay tahay mashruuc ka socda Soomaaliya, oo aanay Somaliland qayb ka ahayn.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa dhawaan Somaliland ku eedeeyay in ay xidhiidh la leedahay argagixisada. Sidoo kale, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland ayaa sheegay in weerarro argagixiso ay ka dhici lahaayeen Somaliland, haddii aanu xidhiidh kala dhaxayn Al-Shabaab.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Mukhtaar Roobow, oo hore uga tirsanaa madaxda sare ee Al-Shabaab, ayaa sheegay in kooxdu ay ku guuldarraysatay inay qaraxyo ka fuliso Somaliland, sababtuna ay tahay shacabka Somaliland oo foojigan, isla markaana la shaqeeya hay’adaha amniga.
Si kastaba ha ahaatee, weerarro argagixiso oo gaystay dhimashada 30 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 30 kale, ayaa 29-kii Oktoobar 2008 lala beegsaday Hargeysa. Sidoo kale, weerarro hore oo argagixiso ayaa lala beegsaday dad ajnabi ah iyo dad caan ah gudaha Somaliland.