Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in wada-hadalku yahay fursad muhiim ah oo looga wada hadli karo xal u helidda caqabadaha ka taagan dalka, si looga gudbo khilaafka ka jira Soomaalida dhexdeeda.
Sidoo kale, Axmed Madoobe wuxuu xoojiyay muhiimadda ay leedahay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in kooxda Shabaab ay tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarka Soomaaliya.
Wuxuu ugu baaqay dhinacyada siyaasadda in aysan waqtiga iskaga lumin khilaafaadka dhexdooda ah, balse ay xoogga saaraan sidii looga adkaan lahaa Shabaab.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee si rasmi ah uga falceliya baaqa madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo xalay uu u jeediyay siyaasiyiinta dalka.
Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo la weydiiyay sida Puntland u aragto gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan.
Madaxweyne Deni ayaa horey u sheegay in Puntland ay soo dhoweynayso in la isugu yimaado gogol looga wada hadlo masiirka siyaasaadeed ee dalka.