Madaxweynaha Soomaaliya oo Maraykanka u Bandhigay inuu Berbera iyo Boosaaso ka dhisto Saldhigyo militeri oo Istiraatiiji ah

7

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u diray warqad dhigiisa Maraykanka, Donald Trump, taasoo uu ku caddeeyay in Soomaaliya diyaar u tahay inay Maraykanka siiso goobo saldhigyo military ka dhisto, kuwaasoo ay ka mid yihiin Balli-Doogle, dekedaha Berbera iyo Boosaaso, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Warqadda furan oo ku taariikhaysan 16-kii Maarso, islamarkaana la xaqiijiyay sugnaanteeda, ayaa muujisay in tallaabadani ay Maraykanka siin karto joogitaan ciidan oo xooggan oo ka dhan ah khatarta kooxaha argagixisada ee ka dagaallama Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Haddii heshiiskan la hirgeliyo, wuxuu Maraykanka siin doonaa saameyn weyn oo dhanka amniga ah, xilli ay sare u kacayso khatarta Al-Shabaab islamarkaana khalkhal ku jiro xasilloonida gobolka.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga boqolaal askari oo u jooga la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana ay fuliyaan duqeymaha cirka, iyadoo adeegsanaya diyaaradaha drone-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dib usoo cusboonaysiiyay iskaashigii hore ee Soomaaliya iyo Mareykanka, kaas oo bilaabmay xilligii madaxweyne Ronald Reagan, markaas oo dowladdii militariga ee hore ay u ogolaatay Mareykanka inuu isticmaalo saddex garoon oo waaweyn oo ku yaallo Soomaaliya kuwaasoo ku yaalla Muqdisho, Kismaayo, iyo Berbera.

Dowladda Mareykanka ayaa la filayaa inay dhawaan wafdi usoo dirto Muqdisho si ay wadahadal arintan ugala yeeshaan madaxda dowladda Soomaaliya.