Puntland oo shaacisay maydad iyo hub laga helay saldhig Daacish ku sugnayd oo Maraykanku duqeeyay

11

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa ka helay maydad hor leh, hub kala duwan, iyo kayd raashin ah saldhig ay Daacish ku sugnayd, halkaas oo uu Mareykanku duqayn ka geystay labo habeen ka hor.

Sidoo kale, saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegay inay halkaas ka heleen 32 baasaboor oo caalami ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay lahaayeen dagaalyahannadii Daacish ee lagu beegsaday duqeynta.

Intaa waxaa dheer, diyaarado drones ah oo Daacish u adeegsan jirtay weerarrada ka dhanka ah ciidanka Puntland ayaa laga helay goobta. Saraakiishu waxay xuseen in saldhiggan la duqeeyay uu ka mid ahaa xarumihii ugu dambeeyay ee kooxdaasi ku lahayd Puntland.

Goobta duqayntu ka dhacday, oo ku taalla togga Miiraale ee u dhow magaalada Boosaaso, ayaa horey uga mid ahayd saldhigyada ay ciidanka Puntland awoodi waayeen inay gudaha u galaan, maadaama Daacish ay halkaas ka dhistay difaacyo adag.

Mid ka mid ah saraakiisha Puntland ayaa sheegay in Daacish hadda ay ku harsan yihiin saddex saldhig oo kaliya, isla markaana maalmaha soo socda lasoo afjari doono. Wuxuu sidoo kale xusay in Puntland lagala wareegay inta badan goobihii ay kaydadka raashinka ku lahaayeen.