Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay war goor dhow kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Warka waxaa sidoo kale lagu sheegay Inta lagu gudajiro booqashada, Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Al shabaab.
Booqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiga ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto Al shabaab si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Madaxtooyada.
Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, kaas oo gaarsiisan heer istaraatijiyadeed isla markaana taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.
Dowladda Turkiga ayaa kaalinta 1aad waxa ay kaga jirtaa wadamada taageera Dowladda Soomaaliya dhinaca tababarka ciidamada si lamid ah dagaalka ay kula jirto Kooxda Al-shabaab.