Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa xaqiijiyay in Masar ay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada si xassilooni buuxa loogu soo dabaalo Soomaaliya.
Waxa uu shaaca ka qaaday Al sisi in Masar ay ka go’an tahay sii wadida dadaalka wadajirka ah ee lagu raadinayo aragtiyo ballaaran oo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, iyadoo la eegayo xiriirka walaaltinimo ee dhow iyo danaha wadaagga ah ee ka dhaxeeya labada dal.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli shalay uu Madaxweyne Sisi khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Afhayeenka Madaxtooyada Danjire Maxamed El-Shenawy ayaa sheegay in Madaxweyne Sisi uu qadka telfoonka ku xaal wareeystay Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii dhawaan la isku dayay in la bartilmaameedsado kolonyadiisa oo kasoo dhaqaaqday Madaxtooyada Soomaaliya.
Wuxuu caddeeyay in Masar ay si buuxda u garab taagan tahay, hoggaankeeda iyo shacabkeedaba, madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka Argagixisada.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa u mahadceliyey Madaxweyne Sisi, isagoo ku ammaanay taageerada Masar ay la garab taagan tahay dalkiisa.