Hindiya ayaa markii ugu horeysay dhoolatus milatari oo balaadhan la sameynaysa toban wadan oo ka socda Qaarada Afrika.
Ciidamada badda ee Hindiya ayaa dhoolatuskan waxaa kala qaybqaadanaya toban wadan oo Afrikaana oo kala ah Jabuuti, Comoros, Kenya, Eritrea, Madagascar, Mauritius, Mozambique, Seychelles, South Africa iyo Tanzania.
Dhoolatuskan ayaa ka dhacaya xeebaha dalka Tanzania ayaa waxaa halkaasi iskugu tagi doona Ciidamada badda ee Wadamada ka socda oo ku midoobi doona tababaro iskaashi iyo dhoolatuskan wadajirka ah oo dhacaya bisha April.
Hindiya waxay leedahay milatari afraad ee ugu awooda badan caalamka, sidoo kale waa dhaqaalaha sedexaad ee ugu balaadhan Dunida, Delhi waxay dooneysaa iney xoojiyo doorkeeda Afrika oo Shiinuhu si qoto dheer uga hor maray, waana xili Hindiya ay qorsheynayso iney saameyn istaraatiiji ah ku yeelato qaarada dihin ee Afrika