Xuutiyiinta Yemen oo weerar ku qaaday garoon ku yaala Israa’iil.

5

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay mar kale gantaal ballistic ah ku weerarreen garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion, iyagoo adeegsanaya gantaallada Falastiin-2.

“Howlgalku wuxuu si guul leh u gaaray hadafkii laga lahaa,” ayuu yiri afhayeenka dhinaca milateriga ee Xuutiyiinta, Yaxye Sariic.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay “dhowr gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn” ku garaaceen markabka diyaaradaha xambaara USS Harry Truman iyo tiro maraakiib dagaal oo Maraykan ah.