Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay inay dhowaan ciidamadooda kusoo baahin doonaan Soomaaliya inkastoo ay iska jiraan waxyaabo yaryar oo dhinaca lacagta howlgalinta iyo arrimo kale oo dhinaca farsamada ah.
Waxa uu shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay Guddoomiyaha Midowga Afrika inaysan u dhaga nuglaan wararka been abuurka ee baraha Bulshada lagu faafiyo ee lagu qalqal gelinaayo ammaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Midowga Africa ayaa ku ammaanay Soomaaliya tallaabooyinka dib u habeeynta maaliyadeed ee suurta galisay in deentii lagu lahaa laga cafiyo, sidoo kalana ay caalamka tustay ka go’naan shiyaheeda dagaalka ay kula jiro Kooxaha Argagexisada si nabad waarta ay uga dhalato Soomaaliya.
Maxamuud Cali Yuusuf oo ay si wadajir shir jaraaid ugu qabteen magaalada Muqdisho isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay doorkii taariikhiga ahaa oo ay doorashadiisa ka ciyaartay Dowladda Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay imaan shiyahiisa Muqdisho inay cadeeyn u tahay sida Midowga Afrika ay ahmiyad gaar ah ugu leedahay Soomaaliya.