Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay soo buux dhaafiyeen deegaano dhaca Gobolka Shabellaha Dhexe kuwaasi oo kaabiga ku haya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.
Dadka deegaanka ayaa kusoo waramayaa in ay arkayeen Al-Shabaab badan oo soo galay deegaanada kuwaasi oo aad u hubaysan islamarkaana roondeenaya wadooyinka.
Meelaha Al-Shabaab ay soo gakeen waxaa kamid ah deegaanada dhaca inta u dhaxaysa Jowhar iyo Balcad ama Qalimoow iyo Balcad inta u dhaxaysa iyo Inta u dhaxaysa Qalimow iyo Jowhar
Sidoo Kale Alshabaab ayaa la sheegay in ay soo buux dhaafiyeen Galbeedka Shabeellaha dhexe dhanka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Inkastoo deegaanada qaar ay horay ugu sugnaayeen ayaa hadana wararku waxa ay sheegayaan in ay soo buux dhaafiyeen oo ay isku fidiyeen deegaano Hor leh.
Deegaano dhaca gobolka Shabelada dhexe waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo buux dhaaginayay xubno katirsan kooxda Al-Shabaab iyaga oo dib u qabsaday deegaano horay looga Faramaroojiyay.
Dhanka kale Dowladda federaalka ayaa ciidamo farabadan waxa ay ku daad gureysay gobolka Shabeellaha Dhexe kuwaasi oo ka kooban qeybaha ciidamada qalabka Sida.
Xili Madaxweynaha uu fariisin kasameestay degmada Cadakke si halkaasi uu uga hogaamiyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxaa sidoo kale jiray maalmihii lasoo dhaafay duqeymo diyaaradaha dagaalka ay la beegsanayeen Deegaanada ay soo galeen Kooxda Al-Shabaab.
Xaalada gobolka Shabelada dhexe waa mid dagaal oo xili walba waxa ka dheci kara dagaalo dhexmara Labada dhinac.
Dowladda Soomaaliya ayaa wada abaabuladii ugu dambeetay oo Al-Shabaab looga saarayo gobolka Shabellaha dhexe.