Wararka Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka Dalka Qatar

6

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxayna ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo taagan.

Amiirka Qatar ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u muujiyay in dalkiisu si buuxda ula garab taagan yahay taageero kasta, si cadowga Khawaarijta ah ay uga guuleysato dowladda Soomaaliya.

Amiirka ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku bogaadiyey dagaalka uu ku ciribtirayo Khawaarijta ee tuutaha uu u xirtay furimaha dagaalkana uu u joogo, isagoo cadesyey inay lama taabtaan agtooda ka tahay amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

Amiirka Qatar ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ka wareystay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee Muqdisho loogu geystay, maalintii uu u socday furimaha dagaalka.

Amiirka ayaa xaqiijiyay mowqifka adag ee dowladda Qatar ay ku taageereyso Soomaaliya, isagoo u rajeeyay caafimaad iyo badbaado dadkii ku dhaawacmay weerarkii Madaxweynaha lagu soo qaaday.

Dhankiisa, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qatar uga mahadceliyey garab istaagga walaaltinimo ee wanaagsan, isagoo aad ugu mahadceliyey Amiirka Qatar.