Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Africa oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

4

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Cusub ee Ururka Midowga Africa Maxamuud Cali Yuusuf ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho waana safarkiisi ugu horeeyay ee tan iyo markii la doortay uu ku yimaado Soomaaliya oo xubin ka ah Midowga Africa, waxaana si weyn soo dhoweyn diiran loogu sameeyay Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana sidoo kale goob joog ahaa xubno ka tirsan Golaha wasiirada xukuumadda iyo mas’uuliyiinta howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf  oo la doortay bilowgii February 2025 ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doonaa Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre kuwaas oo ka wada hadli doona arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.

Soomaaliya waxa ay door weyn ay ka ciyaartay doorashadii uu kusoo baxay Guddomiyahaan cusub ee Midowga Africa ee horey u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti.

Socdaalkiisa waxa ay muujinaysaa ahmiyadda gaarka ah ee uu Guddomiyaha ay u leedahay Soomaaliya oo hadda ka bilaabatay howlgalka cusub xasilinta iyo nabadeenta guud ee Soomaaliya.