Waaxda Warfaafinta Dawladda Masar (SIS) ayaa beenisay wararka sheegaya in Masar ay diyaar u tahay “in ay dib u dejin u sameyso nus milyan reer Qazaan ah” dhulkeeda.
Hadalka Masar ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhowr wargeys oo ay ku jiraan kuwa Israa’iil ay daabaceen wararkan.
War qoraal ah oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Bariga Dhexe ee Masar, Qaahira “si buuxda ayay u beenisay eedaymaha ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo la xiriiray inay diyaar u yihiin inay si ku meel gaar ah u rarto nus milyan qof oo degan Qaza islamarkana la gaynayo magaalo loo cayimay oo ku taal waqooyiga Sinai, taasoo qayb ka ah dib u dhiska marinka Qaza.
Waaxda Warfaafinta Dawladda (SIS) ayaa ku tilmaamay wararkan been-abuur aan sal iyo raad lahayn, “kuwaaso asal ahaan iyo gebi ahaanba ka soo horjeeda mawqifka adag ee Masar, kaas oo ay ku dhawaaqday tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka lagu baabi’inayo Gaza ee Oktoobar 2023,.
Masar ayaa xustay in ay si cad gebi ahaanba u diidaya isku day kasta oo lagu doonayo in lagu barakiciyo Falastiiniyiinta Gaza, xoog ama si ikhtiyaarkooda ah “.