Ciidanka amaanka ee magaalada Baardheere oo toogasho ku dilay nin doonayay inuu dil ka geysto gudaha magaalada

12
Ciidamada amaanka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa Xalay toogasho ku dilay nin la sheegay inuu ka tirsana kooxda Al-shabaab oo doonayay inuu dil ka geysto gudaha magaaladaas.

Ninkaan oo ku hubeysnaa bastoolad ayaa la tilmaamay in is rasaaseyn ay dhexmartay isaga iyo ciidamada amaanka degmadaas, waxaana is rasaaseyntaasi ay sababtay in lagu dilo ninkaan ka tirsanaa Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale is rasaaseynta dhexmartay ninka hubeysna iyo ciidanka amniga waxyeelo dhaawac ah kasoo gaartay laba qof oo shacab ah, kuwaas oo dhaawacooda la dhigay Isbitaalka magaalada Baardheere, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha amniga degmadaas Axmed Cabdullaahi.

“Dhagar qabahaan oo aan xogtiiisa sii heynay oo doonayay inuu dil geysto goob dad shacab ah ku afurayeen ayaa markii gacanta lagu dhigi rabay bastoolad uu watay lasoo baxay isagoo isku dayay inuu dagaalamo, halkaas ayayna ciidanku ku toogteen raasaastii uu ridayna waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo dadkii afuraayay ka mid ahaa” ayuu yiri Taliyaha amniga degmada Baardheere Axmed Cabdullaahi.

Taliye Axmed Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amaanka degmada Baardheere ee gobolka Gedo u diyaarsan yihiin ka hortaga khataraha kooxda Al-shabaab la damacsan tahay shacabka ku nool magaalada Baardheere.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay laamaha amaanka fashiliyaan ama ka hortagaan rag hubeysan oo sidan oo kale damacsanaa iney dilal u geystaan askar iyo dad kale oo shacab ahaa.