Ciidamada dowladda Sudan oo la wareegay guud ahaan Caasimadda Khartoum

4

Wasiirka warfaafinta Sudan ayaa sheegay in ciidamada Qaranka ay la wareegeen guud ahaan gacan ku haynta magaalada Khartoum oo maalmihii lasoo dhaafayay ay dagaalo qaraar ku dhex mareen Ciidanka iyo Maleeshiyaadka RSF.

“Maanta waxaa calanka laga taagay madaxtooyada, safarkuna wuu socdaa ilaa guusha laga gaarayo,” ayuu yiri Khaled Al-Aiser, wasiirka warfaafinta Sudan, ahna afhayeenka xukuumadda oo hadalkiisi si toos ah looga sii daayay TVga Qaranka dalkaasi.

“Tallaabadan oo ay qaadeen askarta geesiyaasha ahi bilowgii dagaalka ilaa ay gaareen qasriga, astaanteeda siyaasadeed iyo taariikheed, waxa ay qortay bog cusub oo ammaan ah oo lagu kordhinayo diiwaanka qaranka” ayuu wasiirka hadalkiisi sii raaciyay

Wasiirka Maaliyadda Suudaan ayaa dhankiisa sheegay in Mashruucii jabhadda la aasay ka dib markii ay dib ula wareegeen xarunta madaxtooyada.

Wariyaha Aljazeera ayaa soo sheegay in ciidamada Sudan ay dib ula wareegeen gacan ku heynta tiro xarumo dowladeed ah oo ku hareereysan madaxtooyada oo ku taal bartamaha magaalada Khartoum, sida xarumaha wasaaradaha arrimaha dibadda, maaliyadda iyo macdanta.

Saacado ka hor, taleefishinka dowladda Suudaan ayaa bilaabay inuu baahiyo heeso wadani ah iyo muuqaallo lagu amaanayo ciidamada oo ku guuleystay inay Sudan ay ka sifeeyaan maleeshiyada RSF.

Tan iyo Axadii la soo dhaafay, ciidanku waxay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Xoogaga RSF ee ku sugnaa bartamaha Khartoum, iyagoo la wareegay gacan ku haynta goobo istiraatiiji ah.