War saxaadadeed ka soo baxay Dowladda Faderaalka Soomaaliya, ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay dagaal xooggan oo saakay hore ka dhacay deegaanka Sabiib ee hoos timaada degmadda Afgooye ee Gobalka Shabeellada Hoose.
War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya ay ka hor-tageen weerarkii saakay ka dhacay deegaanka Sabiib.
War-saxaafadeedka Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay soo saartay ayaa lagu yiri, “Ciidamadda Xoogga dalka ayaa ka hortagay weerarka Maleeshiyadda Kooxda AS ku soo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee Gobalka Shabeellada Hoose, Cadowgu waxa ay goobta uga carareen maydadka gaaraya illaa 10 ka mid ah maleeshiyaadkooda”.
Sidoo kale, qoraalka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka soo baxay ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan duco u diraynaa geesiyaashii ku shahiiday iyo kuwii kale ee ku dhaawacmay hawlgalka ka dhacay deegaanka Sabiib ee Gobalka Shabeellaha