Mareykanka oo dib u bilaabaya hubka uu siiyo Ukraine iyo Heshiiska xabad joojinta

4

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inuu Mareykanka dib u billaabo doono hubkii uu siin jiray Ukraine iyo xogtii sirdoonka ee Mareykanka uu la wadaagi jiray Ukraine , kaddib markii Ukraine ay u hoggaansanaatay shuruudaha Mareykanka iyo xabbad-joojin 30 maalmood ah oo lagu hakinayo dagaalka saddexda Sano socda, iyadoo go’aanka uu soo baxay markii wada-hadalladii u horreyay oo Sacuudiga dhex dhexaadinayo ay Jiddah ku yeesheen saraakiisha Mareykanka iyo Ukraine.

Ma cadda Ruushka sida uu uga falcelinta doono go’aanka uu soo bandhigay Mareykanka , xilli loo baahanayo Ruushka si loo dhaqangeliyo xabbad-joojinta 30 maalin ah ee lagu gaaray wada-hadallada saraakiisha Mareykanka iyo Ukraine.

“Wufuuddii labada dal waxay isku raaceen inay magacaabaan kooxahooda wada xaajoodka isla markaana si degdeg ah u bilaabaan wada xaajood ku aaddan nabad waarta oo xaqiijinaysa amniga muddada dheer ee Ukraine,” ayaa lagu yidhi bayaanka Mareykanka iyo Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa u mahadceliyay Donald Trump isagoo ku ammaanay “natiijada hagaagsan” ee wada-hadalladii ka dhacay Jeddah.

Muuqaal uu soo duubay, Zelensky wuxuu ku sheegay in Ruushku ay tahay inay muujiyaan haddii ay doonayaan in ay dagaalka joojiyaan ama sii wadayaan.

“Waa waqtigii runta oo dhan la ogaan lahaa,” ayuu raaciyay.

Moscow wali kama aysan jawaabin soo jeedinta Mareykanka. Kremlin-ka ayaa Talaadadii hore sheegay in uu soo saari doono bayaan kadib marka ay Washington uga warbixiso natiijada wada-hadallada.

Ruushka ayaa Ukraine ku qaaday duullaan ballaadhan bishii Febraayo 2022, wuxuuna hadda gacanta ku hayaa qiyaastii 20% dhulka Ukraine.