Fahad Yaasiin oo MW Xasan Sheekh ugu digay wado horey ay ugu fashilmeen isaga iyo Farmaajo

3

Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo wareysi Siiyay Idaacadda Risaala ayaa si qoto dheer ugu hadlay xaaladda dalka, isagoo si gaar ah qeybtaan diiradda ugu saaray siyaasadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku qeexay “madaxweyne kusoo laabtay xukunka isagoo careysan.” waa sida uu hadalka u dhigay.

Fahad ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda u dhaqmaayo sidii uu markii hore ka diiday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna kula taliyey in ka hor 15-ka May 2026 uu ka shaqeeyo inaan loo baahnayn Badbaado Qaran kale.

Sidoo kale, Fahad ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh sababta uu saaxiibbadiis ugu kalsoonaa la’yahay oo talada dalka ay isaga keliya ugu soo aruurtay, taasoo sida uu sheegay sababtay in shaqadii dowladda ay xuuryaanto.

Waxaa uu soo hadal qaaday shaqada uu qabto R/wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sheegay in Xamsa uu yahay nin idmin, islamarkaana uu u shaqeynayo qofka keensaday, waana ila saxan yahay ayuu ku yiri wareysiga.

Sidoo kale Wareysiga ayaa waxaa markale lagu weydiiyay hadalkii uu yiri tan markii laga guuleystay kooxdooda ee aheyd Sida uu u arko Hoggaamiyaha Jubbaland Jubbaland, balse uu sheegay inuusan rabin in markale uu ka hadlin arrintaasi.