Madaxweyne Xasan Sheikh: Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya waxay dhaawac weyn u geysteen kalsoonida caalamka nagu qabay

4
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashooyinka dadban ee dalka lagusoo maamulayay ay dhaawac weyn u geysteen kalsoonida caalamka ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed fursad buuxda loogu siiyo doorashada hoggaankooda.

Isagoo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka, Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu tilmaamay in aanay macquul ahayn in Soomaaliya mar kale kusoo laabato nidaamka doorasho dadban, isagoo hoosta ka xariiqay in beesha caalamka aysan diyaar u ahayn inay la shaqeyso dowlad ku timaada nidaam aan la saadaalin karin natiijadiisa.

“25 sano doorasho dadban ayaan joognaa, masii joogi karno, macquulna ma ahan, mana nala aqbalayo. Caalamku nama aqbalayo inaan sidaas dowlad ku ahaano oo nagula macaamilo. Waxay na leeyihiin, ma naqaano waxay ka shaqeynayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dowladdu ka go’an tahay fulinta ballanqaadkeedii ahaa in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, taasoo kor u qaadeysa sida uu sheegay hufnaanta iyo cadaaladda doorashooyinka.

Waxa uu xusay in dalka uu yeelan doono saddex xisbi qaran, loona baahan yahay in muwaadiniintu ku biiraan xisbiyadaas.