“Waan ka xumahay duullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday deegaan nabad u jooga. Sidaanu ballanqaadnay, qaranka waanu difaacaynaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro oo ka hadlayay munaasibad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ee 8-da Maarso.
Waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay gacana Somaliland ku difaacayso, isla markaana gacanta kale ku waddo dadaallo nabadeed, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dagaalka Buqdharkayn aanu ka leexin doonin hawlaha nabadda ee ay xukuumaddiisu wado.
“Sidaanu ballanqaadnay, qaranka waanu difaacaynaa, balse dagaal meel lagu soo qaaday naga leexinmayo in aanu nabadda doonnno,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro. “Nabadda waanu wadaynaa, difaacana waanu adkaynaynaa.”
Xukuumadda Somaliland iyo maamulka SSC-Khaatumo ayaa midba midka kale ku eedeeyay mas’uuliyadda dagaalkii Jimcihii dib uga qarxay deegaanka Buqdharkayn ee gobolka Sool, halkaas oo ay dhinacyadu horey marar badan ugu dagaalameen.
Dhinaca kale, waxa socda wadahadallo nabadeed oo ay magaalada Gaashaamo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ka wadaan salaadiinta dadka deegaanadan wada dega, wadahadalladaas oo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaallada qabiilka salka ku haya ee ka dhaca deegaanadaas.