Wasiir Biixi oo sheegay in Mareykanka uu joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray Ciidanka Danab

4

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta xarunta Golaha sahcabka ee BFS ka hor sheegay in uu Maraykanku joojiyay dhaqaalihii uu siin jirey Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, taasi oo uu sheegay in ay saamayn dhaqaale ku yeelatay dawladda Soomaaliya.

Maraykanka oo muddo dheer gacanta ku hayey ciidanka Danab ayaa hakiyay dhaqaalihii uu siin jirey, iyadoona xiligan dowladda Soomaaliya ay wado qorsho arrintaasi wax loogu qabanayo.

Joojinta madaxweyne Donald Trump uu ku sameeyey gargaarka dibadda ee Mareykanka, ayaa saameyn xooggan ku yeeshay Soomaaliya, ayada oo la hakiyey lacagtii Washington ay ku bixin jirtay ciidamada Danab, iyo la-dagaalanka kooxaha argagixisada dalka ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Danab waa kumaandooskii ugu horraysay ee Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka, sannadkii 1991.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2013-kii billowday tababarka ciidamada Danab, waxaana xilligaas lagu bilaabay hurin 105 askari ahayd.