Shirkadaha Diyaaradaha caalamiga ah ee Turkish Airlines iyo Qatar Airways oo maalintii 2-aad joojiyay Duulimaadyadii ay ku imaan jireen Muqdisho

7

Shirkadaha Diyaaradaha caalamiga ah ee Turkish Airlines iyo Qatar Airways ayaa maalintii labaad joojiyay Duulimaadyadii ay ku imaan jireen Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdish, kadib digniintii Amni ee ka soo baxday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Warka Mareykanka oo lagu sheegay suuragalnimada Weerarro argagixiso oo ka dhici kara caasimadda Muqdisho, iyo inay ka dhici karaan Garoonka Aaden Cadde iyo goobo kale.

Digniinta Mareykanka ayaa dhalisay cabsida amni ee keenay inay shirkadaha caalamiga ah ee Diyaaradaha joojiyaan muddo toddobaad ah Duulimaadyadii Garoonka Muqdisho ku imaan jireen, waxayna kansaleen tikidhadii hore looga jartay.

Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa iska dhega tirtay digniinta Mareykanka, waxayna sidaas ku noqotay shirkadda kaliya ee caalamiga ah ee maalmahan ka duuleysa Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde, taasoo sawir ka bixineysa shirkadaha ku shaqeyn kara xaaladaha adag iyo kuwa u nugul.

Sidoo kale waxaa duulimaadyadoodii si caadi ah u wadata Shirkadda Diyaaradaha ee Uganda Airlines iyo guud ahaan shirkadaha Diyaaradaha Soomaalida oo ay ugu waaweyn yihiin:

-Daallo airlines

-African Express

-Freedom Airlines

-Jubba airways

Waxaa kaloo si caadi ah u socda duulimadayadii shirkadaha yaryar ee magalooyinka gudaha dalka isagaa goosha.