Yemane Gebremeskel, Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, ayaa daboolka ka qaaday in booqashada wasiirka Arrimaha dibadda Masar ay qeyb ka tahay golaha wadatashiga laba geesoodka ah ee labada Dowladood, waxaana shirkoodi ay kusoo hadal qaadeen Xoojinta iskaashiga dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin arrimaha ammaanka Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxaana Dowladahaan ay ku adkeesanayaan in Dowlad aan daris la ahayn badda cas inaysan suurta gal noqon doonin inay marin biyood hesho.
Wakaaladda wararka ee Eritrea, oo ah warbaahinta ay dawladdu leedahay, ayaa wasiirka arrimaha dibadda Masar ka soo xigatay isagoo leh “in wada-tashiyada xilliyeedka ah looga golleeyahay in lagu kobciyo mawqifyada guud ee arrimaha muhiimka ah ee amniga iyo xasilloonida gobolka”.
Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Masar ee Asmara uu ku tagay ayaa timid maalmo kadib markii Abiy Axmed uu booqasho kuyimid Soomaaliya, Bishii Oktoobar 2024, Masar, Ereteriya iyo Soomaaliya ayaa saxiixday heshiis saddex geesood ah oo diiradda lagu saaray amniga gobolka ee Badda Cas iyo Geeska Afrika,Xilligaas, Soomaaliya waxaa meel xun uu gaaray xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Itoobiya.
Masar iyo Soomaaliya ayaa bishii Agoosto 2024 kala saxiixday heshiis dhanka difaaca ah, Masar waxa ay diyaar la ahayd in Soomaaliya u soo dirto ku dhawaad 10,000 oo askari si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Midowga Afrika, Itobiya waxay u aragtay keenista ciidamada Masar mid khatar ku ah amniga qaranka, Inkastoo xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uu u muuqdo mid soo hagaagay, ma cadda in Masar ay weli ciidamo u soo direyso Soomaaliya iyo in kale.