IGAD oo ka hadashay sida ay u xaliyeen khilaafka u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

3

Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay xiriirka diblumaasiyadeed ee ka soo cusboonaaday Itoobiya iyo Soomaaliya, kaddib booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu Khamiistii ku yimid magaalada Muqdisho.

Wadahadallada oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, Ra’iisul wasaare Abiy iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u xaqiijiyay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac. War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen labada hoggaamiye waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay wada-hadallada iyo xasilloonida gobolka, iyagoo iftiimiyay wada-hadallo farsamo oo ka socda Turkiga oo lagaga hadlayo xiisadda ka dhalatay heshiiska muranka dhaliyay ee Itoobiya la gashay Somaliland.

“IGAD waxa ay weli u heellan tahay taageeridda dadaallada lagu horumarinayo ka-qeybgalka nabadda iyo horumarka waara ee gobolka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ururka.

Xiisada u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay bishii Janaayo 2024 markii Itoobiya ay heshiis is afgarad ah la saxiixatay Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya. Heshiiskan oo soo jeediyay in qayb ka mid ah xeebaha Somaliland laga kireeyo saldhig ciidan oo badda ah iyo deked ganacsi, ayaa dad badani u arkayeen tallaabo ay Itoobiya ku aqoonsanayso madaxbannaanida Somaliland.

Soomaaliya ayaa cambaareysay heshiiskaas, iyadoo ku eedeysay Itoobiya inay ku xadgudubtay madax banaanideeda iyo wadajirkeeda. Iyada oo ka jawaabeysa, Muqdisho waxay ku hanjabtay inay ka saari doonto ciidamada nabad ilaalinta Itoobiya ee Soomaaliya, waxayna xoojisay xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya cadowgeeda gobolka, Masar iyo Eritrea.

Natiijooyinka ka soo bixi doona wada xaajoodyada ka socda Turkiga ayaa si dhow isha loogu hayn doonaa, iyadoo labada dal ay marayaan xaaladaha cakiran ee ammaanka gobolka, iskaashiga dhaqaalaha, iyo madax bannaanida dhuleed.