Senator Garyare ayaa sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu yiri “ Gaboose waxa uu sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Jubalanad”, annaga waxaan ku doodney in wali uu kamid yahay Senatarada aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana shaashadaha warbaahinta ay soo qabteen dood kulul oo dhex martay Garyare iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi.
Ku dhowaad 14 Senator ayuu xusay inay saxiixeen mooshinkaan lagu doonayo in xorriyaddisa uu dib u helo senator Ilyaas Baddal Gaboose oo isagu sheegtay in lagu doortay magaalada Kismaayo uuna yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland.
Garyare ayaa sheegay in muddo sedex bil kabadan uu Gaboose ku xiran yahay Magaalada Kismaayo loona baahan yahay in xorriyadiisa dib u helo, balse Cabdi Xaashi Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa ku xujeeyay Senatarada Mooshinka soo gudbiyay in qodobo sharci ah ay kusoo waafajiyaan Mooshinka ay keeneen waxaana uu xusay inaysan u aqoonsaneen senator maadama uu sheegtay Madaxweynaha Jubaland.
Ugu dambeyn waxa uu Senator Garyare uu shaaca ka qaaday in ayaan darro weyn ay tahay falka uu maanta ku kacay Gudoomiye Cabdi Xaashi ayna kadaba hari doonin ilaa Gaboose uu xorriyadiisa ka helaayo ayna fagaare waliba ka sheegi doonaan in ninkaas xorriyadiisa uu helo.