Cali Balcad oo loo jeediyay eedeyn culus ka dib hadalkii Rooble

4

Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo ka tirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad.

Wuxuu sheegay in Cali Balcad uu ku been abuurtay Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble, oo dhawaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda u diiday Baasboorka Diblomaasiga ah xili uu South Africa kusii jeeday.

Wasiir Cali Balcad” Ra’iisul wasaare Rooble uma aanaan diidin Warqadda habraaca VISAHA ee waan u dalabnay, laakiin suaal ayaa soo laabatay”.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu Cabdullahi Carab ku cambaareeyay hadal kasoo yeeray Cali Balcad oo ahaa in Rooble loo qabtay dalabkiisa safarka South Africa oo ahaa in loo cusboonaysiiyo baasaboorkiisa diblomaasiga.

Cabdullaahi Carab wuxuu xusay in Rooble laga hor-istaagey xaquuqdiisa muwaadinimo iyo mudnaantii uu lahaa, isagoo dalka kasoo noqday Raiisul Wasaare.