Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay gudaha Balcad

4
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo kooxda Al-shabaab aroornimadii hore ee saakay ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa ahaa mid ku bilaawday qaraxyo xoogan oo kooxdu ku beegsatay fariisimaha ciidanka dowladda ee ku yaala duuleedka degmadaas, waxaana xigay dagaal toos ah oo u suurta galiyay kooxda iney mudo kooban la wareegto degmada Balcad.

Ciidamo gurmad ahaa oo si deg deg ah ku gaaray degmada Balcad ayaa ku guuleystay iney ka saaraan gudaha magaalada kooxda Al-shabaab, waxaana hadda degmada si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay cashir u dhigeen xubnaha Al-shabaab ee saakay weerarka kula soo jarmaaday degmada Balcad.

“Ciidamo u badan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saakay cashir lama ilaawaan ah u dhigay Maleeshiyaadka Khawaarijta oo saakay salaadii subax soo weeraray fariisimmo ay ciidamadu ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe” ayaa lagu yiri qoraalka kaso baxay dowladda.

Warka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyay weerarka saakay kooxda Al-shabaab, islamarkaana meydadkooda ay wali yaalaan beeraha ku yaala degmadaas.

Dagaalka saakay ka dhacay degmada Balcad ayaa imaanaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab weeraro noocaan oo kale ah ay ka geysatay deegaano badan oo ku yaala gobolka Shabeellaha Dhexe.