Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdigiisa uga tagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana wafdiga Abiy Axmed loo sii gudbiyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ujeedka safarka Abiy Axmed uu ku yimid Muqdisho iney la xariirto dhameystirka heshiiskii Ankara ee labada dal iyo sidii bog cusub loogu furi lahaa xiriiirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.
“Safarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal ay caqabado hareeyeen” ayaa lagu yiri qoraalka.