Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo Beri ku soo wajahan Muqdisho

3

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa lagu wadaa inuu booqdo caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, maalinta berrito, Khamiista, 27-ka Febraayo, 2025.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku xoojinayaan xiriirkooda, iyadoo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu kulamo la yeesho hogaamiyeyaasha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa la qorsheynayaa in labada dhinac ay ka wada hadlaan arrimo muhiim ah, sida amniga, iskaashiga dhaqaale, iyo horumarinta xiriirka labada dal ee deriska ah.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu ka qaybqaato shirar iyo kulamo ku saabsan xaaladda amni ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan ka hortagga argagixisada iyo taageerada Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida dalka.

Booqashadan ayaa muhiimad gaar ah u leh xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo la rajeynayo inay sii xoojiso wada-shaqeynta labada dal ee dhinacyada amniga iyo horumarka bulshada.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa khilaafkoodii badda ku xaliyay shirkii Ankara, oo Madaxweyne Erdogan dhex-dhexaadiyay kaasoo kusoo gaba-gaboobey heshiiskii 11-kii December 2024.