Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu saakay ka dhacay duleedka magaalada ,kaasi oo u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed sida ay sheegeen dadka degaanka.
Wararka waxa ay intaa ku darayaan in Hub culus iyo kuwa fududba ay isku adeegsanayaan labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamaya Duleedka Degmada Luuq, dadka degaanka ayaa sheegaya in ay ku waabariisteen rasaasta culus ee ay labada dhinac isku adeegsanayaan.
Mas’uuliyiinta Degmada Luuq oo aan xiriir la sameenay si aan faah faahin dheeraad ah uga ogaano dagaalka ayaan inoo suurta galin balse waxaa jira khasaare dhimaasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray labada maleeshiya beleed ee duleedlka Degmada ku dagaalamaya.
Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa todobaadyo ka hor waxa uu sheegay inuu miiska wada hadalka iskugu keenay beelaha walaalaha ah ee dirirtu u dhaxeeyso si loo gaaro heshiis waara oo aan dib dambe aan dagaalka loogu laaban.
Jubbaland ayaan wali wax war ah kasoo saarin dagaalka saakay dib uga qarxay Duleedka Degmada Luuq horeyna waxa ay u sheegtay in beelaha laheshiisiiyay cidii ku xad gudubta ay la xisaabtami doonaan.