Dowladaha Soomaaliya iyo Libya oo kala saxiixday heshiisyo iskaashi muhiim ah

1
Madaxa Xukuumadda Midnimada Qaran, Cabdul Xamiid Dabaiba, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiis iskaashi oo dhex maray dowladaha hoose ee Tripoli iyo Muqdisho.
Sida ku cad heshiiska labada dhinac waxay kala saxeexdeen heshiisyo kale oo badan, oo ay ku jirto in Dowladda Libya ka-dhaaftay Soomaaliya fiisaha gelitaanka ee dadka sita baasaboorka diblomaasiga ah, kuwa gaarka ah iyo kuwa shaqada ah.

Waxay sidoo kale kala saxiixdeen heshiis wada-tashi siyaasadeed ah oo u dhexeeya labada wasaaradood ee arrimaha dibadda si kor loogu qaado isku xirka diblomaasiyadeed ee arrimaha danta guud.

Waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi heer sare ah oo wadajir ah oo dib u eegis ku sameeya heshiisyadii hore, sidoo kale in ay ka wadahadlaan maalgashiga Liibiya ee Soomaaliya, iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarinta ee labada dhinac.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado arrimaha gobolka, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika.

Axadii, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caasimadda Tripoli, isagoo hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Liibiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa magaalada Tripoli uga sii horeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Faqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Qaranka, kuwaasi oo kulamo la qaatay dhiggooda Liibiya.