Diyaarad ciidan oo laga leeyahay Kenya oo ku dhacday Jubbada Dhexe.

4

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya in diyaarad ay leedahay dowladda Kenya oo xalay ku dhacday inta u dhexeysa Kuunya-baroow iyo Jammaame oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in seddex xubnood ay saarnaayeen diyaarada, kuwaasi oo la sheegay in ay ka badbaadeen, sida ay sheegayaan wareedyo muhiim ah.

Ma jiraan faahfaahino dheeraad ah oo ay bixiyeen laamaha ammaanka Kenya, kaasi oo ku aadan in ay ka hadlaan diyaaradan Helikopter-ka ee ku dhacday deegaanada ay ka taliyeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Sidoo kale ma jirto xog ay bixiyeen dowladda Soomaaliya ee ku saabsan diyaarada dhacday, waxaaana shaki ka dhashay sababta keentay in diyaaradan ay ugu dhacday deegaanadaasi.

Diyaarado badan oo ay ku jiraan Kuwa AUSSOM leeyihiin ayaa tiro dhowr jeer ah ku dhacday deegaanada Al-shabaab ay maamulaan.

Deegaanada ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ayaa intiisa badan waxaa gacanta ku hayo maleeshiyaadka Al-shabaab