Soomaaliya oo aan kasoo muuqan liiska dalalka lagu leeyahay tabarucaadka Qaramada Midoobay

3

Qaramada Midoobay ayaa soo saartay liiska dalalka xubnaha ka ah ee lagu leeyahay deymaha aan la bixin ee gaarsiisan heerka uu waddanku ku waayi karo codkiisa Golaha Guud, sida ku xusan Qodobka 19 ee Axdiga Qaramada Midoobay.

Sida ku cad warqad uu Xoghayaha Guud António Guterres u diray Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 17-kii Febraayo 2025, sagaal waddan ayaa hadda lagu leeyahay deymo gaarsiisan heerka ay luminayaan codkooda, haddii aan la bixin tabarucaadka lagu leeyahay.

Dalalkaas waxaa ka mid ah: Afghanistan, Bolivia, Cape Verde, Congo, Ecuador, Grenada, Guinea-Bissau, Sao Tome and Principe, iyo Venezuela. Qaramada Midoobay waxay sidoo kale caddeysay in Sao Tome and Principe loo ogolaaday in uu sii wado codbixinta ilaa dhammaadka kalfadhiga 79-aad.

Soomaaliya kama soo muuqan liiskan, taasoo muujineysa in aysan ka mid ahayn waddamada lagu leeyahay deymaha gaarsiisan heerka ay waayi karaan codkooda. Tani waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay u hoggaansantahay waajibaadkeeda dhaqaale ee Qaramada Midoobay ama aysan gaarsiisnayn heerka la xiriira luminta codka.

Sannadkii 2022, Soomaaliya waxay kaalinta saddexaad kaga jirtay liiska 11 waddan oo lagu leeyahay lacagaha xubinnimada Qaramada Midoobay, iyadoo laga doonayay lacag gaaraysay $1,446,163.

Waxay arrintaan kusoo beegantay xilli ay Soomaaliya markii ugu horraysay muddo 50 sano kaddib ay kursi aan joogto ahayn ka heshay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Waxaa xusid mudan in Qaramada Midoobay ay u ogolaan karto waddamada qaar in ay codkooda sii haystaan haddii la caddeeyo in sababta deymaha aysan bixin ay ka baxsan tahay awooddooda maaliyadeed.