Wafdi ka socda Dalka Cuman oo maanta soo gaaray Muqdisho

4

Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda ee dalka Cuman Eng Saciid Binu Xaamud ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ku soo dhaweeyay wasiirka gaadiidka Fardowso Cumar Cigaal iyo madaxda kale.

Sidoo kale Wafdigan ka socday Dalka Cuman ayaa ka kooban 14 xubnood, waxaana socdaalka Wafdiga ay ka dambeysay kadib markii casuumaad ay ka heleen madaxda Wasaarada gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya.

Wafdigan ayaa magaalada Muqdisho joogi doono muddo seddex maalin ah, waxaa ayna la kulamo ka qaadan doonaan mas’uuliyiinta wasaarada iyo madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

Dhinacyada ayaa waxaa ay ka wadahadli doonaan iskaashiga ka dhexeeya labada dowladood, sida dhaqaalaha iyo Horumarinta labada dowladood.

Sidoo kale waxaa ay kala saxiixan doonaan heshiisyo iskaashi oo u dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Cuman.