Madaxweyne Xasan Shiekh oo sheegay inuu magacaabayo guddiga taakulada iyo garab istaagga dagaalka Puntland kula jirto Daacish

4
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay, in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo khudbad ka jeedinayay furitaanka Kalfadhigga baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay, in dowladda Soomaaliya uu waajib ka saaran yahay in ay garab istaagto Puntland, isagoo sheegay inay garab isatagayaan.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay in goor dhow uu magacaabidoono guddi ka shaqeeya sidii loo garab istaagi lahaa Puntland, si ay taakulada dowladda Soomaaliya u gaarsiiyaan degaanada Puntland ee ay ka socdaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

“Waxaan garab taaganahay Ciidanka Puntland iyo Shacabkooda ee u bareeray halista Daacish, waa dagaal xaq ah, DFS waxay magacaabaysaa guddi qaabilsan Taakulada Puntland,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Hadalka madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kusoo beegamaya, iyadoo dhawaan madaxweynaha Puntland uu sheegay inay soo dhoweynayaan cid kaste oo ka taageeraysa dagaalka ay Puntland kula jiraan kooxda Daacish.