Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo kala hadlay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in la qabto doorasho loo wada dhan yahay

10
Ambassador Richard H. Riley safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa kala hadlay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen xaaladda Siyaasadda guud ee Soomaaliya gaar ahaan amaanka iyo Doorashooyinka.

Danjire Riley ayaa sheegay sida lagu soo daabacay war kooban oo lasoo dhigay barta Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ku leedahay X, in Laftagareen uu ku xoojiyay in la dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada si hore loogu qaado amaanka degaanada Koonfur Galbeed.

Safiirka iyo Laftagareen ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday arrimaha Doorashooyinka dalka iyo in loo baahan yahay in nidaam laisku waafaqsan yahay ay uga dhacaan guud ahaan Soomaaliya.

“Mawduucyada kale ee aan kawa hadalnay Laftagareen waxaa ka mid ahaa muhiimadda ay leedahay in mudnaanta la siiyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo horumarinta dimuqraadiyeynta Soomaaliya oo loo marayo in doorashooyin xor iyo xalaal ah loo qabto qabto nidaam loo dhan yahay laguna helo taageero iyo sharciyad ballaaran.” ayaa lagu yiri qoraalka lasoo dhigay Barta Safaraada ee Ambassador Richard H. Riley uu Laftagreen la wadaagay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa uu ku sugnaa dalka Kenya isagoo Safiirada Beesha Caalamka ugu magacaaban Soomaaliya kala hadlaayay arrimaha bini’adamnimo iyo mida amni ee degaanada Koonfur Galbeed.