Wararkii ugu danbeeyey dagaallada ka socda Sh/dhexe iyo saraakiil dhaawac ah

7

Wararkii ugu danbeeyey ee weerradii saaka Alshabaab ku qadeen degmooyin iyo degaanno ka tirsan Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in weli dagaalka uu ka soconayo goobihii la weeraray.

degaanka Ceel Cali Axmed oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal ilaa saakay aroorti ayuu dagaalk ka socdaa ilaa hadda waxaa gacantabku haaya ciidanka Macwiislayda.

degmad Alkowther ayey wararku sheegayaan in Alshabaan saaka la wareegeen hadda waxaa laga soo sheegayaa dagaal markii ay ku rogaal celiyeen ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka oo markii hore kasoo baxay.

degaanka Cali Fooldheere oo ka tirsan degmada Mahadaay saaka waxaa weerar kula wareegay Maleeshiyada Alshabaab oo webiga kasoo gudbay sida ay dadka degaanka noo sheeegeen.

labada dhinac ayaa guulo kala sheegtay lkn ilaa hadda lama xaqiijin cidda gacanta ku haysa degaamnadii lagu dagaalamay marka laga reebo Ceel Cali Axmed oo ilaa hadda ciidanka Macwiislay ka dagaalamayaan.

warar qaar ayaa sheegaya in taliyaha Booliiska Hirshabelle Xasan Dhicisow uu dhaawac kasoo gaaray dagaalka Cali Fooldheere saaka ka dhacay.