Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xakameynayo tahriibka, xilli ay Puntland haatan dagaal adag kula jirto kooxda Daacish oo ay u dagaalamaayan tiro badan oo Ethiopian ah.
Ilo-wareedyo amni ayaa tilmaamaya in dadkan la qabtay ay isku dayayeen inay sii galaan gudaha Puntland, iyagoo ujeedadoodu tahay inay shaqo ka helaan ama u sii tahriibaan gobollo kale. Inkastoo qaar badan oo kamid ah ay gacanta u galaan kooxda Daacish.
“Waxaan sii wadaynaa tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo xakamaynta iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah ee keeni kara caqabado dhanka amniga ah,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Puntland.
Tahriibka sharci-darrada ah ayaa weli ah dhibaato weyn oo ka taagan gobolka, iyadoo Puntland ay inta badan tahay marin ay tahriibayaashu u sii maraan dalalka Khaliijka ama gobollo kale oo Soomaaliya ka tirsan.